Pages

Shuruucda Ururka



 

                                                       HORDHAC

 
Marka hore waxaa mahad balaaran iska leh allah mahad celin kadib wax kasto waxaa ey leeyihiin nidaam iyo xeer la raacayo sidaa darted halkaan waxaan kaheli karnaa dastuurka (Xeerka guud) ee Ururka danside oo ah qabya qoraal kudarid iyo kajarid intaba waa suura gal
FG: Dastuurkaan waxaa asal u ah shareecada islaamka
Vision
>Hiigsigeenu waxa uu yahay in aan wax u qabano dadkeena hady ahaan laheed xaga caafimaadka ,xaga hormarka ,iyo waliba xaga waxbarashada
Mission
>Waa in aan iskaashi lalasameynaa hay,adaha caalamiga ah , kuwa maxalliga ah iyo cidwalba oo rabta hormarka bulshada soomaliyeed
>Qofwalba oo kamid ah uruka waa inuu gutaa waajibkiisa shaqo
>Waa in lahelikaraa qofwalba  xiliga loo baahdo
>Waan in marwalba laisla xisaaabtamaa si loo ogaado heerka waxqabadka lagu gaarikaro hiigsiga



SHURUUDAHA KA MIDNOQOSHADA URUKA
qof kasta ee doonayo in uu ku soo biiro  URUKA Waa inuu buuxiyaa sharuudahaan soo socda:
1. Waa inuu ahaadaa mid doonayo misana jecel kaqeyb qaadashada hormarinta ururka
3. Waa inuu diyaar u yahay inuu ku bixiyo hii hoo si uu ururka hormar u gaaro
4. Waa inuu u hogaan samaa sharciga iyo mabaadiida URUKA
5. Waa inuu lahaadaa mid kasta astaan ugaara ee lagu garto.
FG: Dhammaan shuruudahaan kor kuxusan qofkii aan buuxin xaq umalahan in la diinwaan giliyo.
Waa in uu lahaadaa hogaamiyaha ururka sifooyinkaan soo socda
1)     Waa inuu leeyahay hiigsi
2)     Waa inee qowlkiisa iyo ficilkiisa ee iswaafajiyaa
3)     Waa inuu aqoon  iyo karti leyahy
4)     Waana inuu aamin yahay
5)     Waa inuu isku kalsoonyahay
6)     Waainuu naftiisa xakameykaraa : waa inuu sabirleeyahay,waa inuu geesiyahy,dulqaad lahaadaa uu daganyahy
7)     Waa inuu dadka kicikaraa dadka si uu ugaaro hiigsigiisa:waainuu codkaryahay,waa inuu khibrad leeyahay
8)     Waa inuu leeyahy habdhaqan wanaagsan leeyahay:waa inuu dadka dhageestaa,
9)     Waa inuu dadka kala yaqaanaa :Waa inuu dadka xaaladooda la socdaa
10)Waa inuu ka fiirsadaa in ta uunan goaan qaadanin
11)Waa inuu hal adayg leeyahay
12)Waa inuu hogaamiyuhu leeyahay wax qabad


Ruux kasta oo xil ka qabanayo URUKA waa inuu buuxiyaa shuruudaha soo socda:
1 Waa inuusan aheyn dimbiile qaran.
2. Waa inuusan ku lug laheyn arrima siyaasadeed.
3. Waa iney ahaataa waxbarshadiisu heer jaamacadeed amaba ey u qalantaa
 4. Waa inuu ahaadaa xubin kamid ah ururka
5 Waa inuusan da’ahaan kayareyn 20 sano.
6  Waa in loo baahdo xilka ruux uu qabanayo.
7. Waa inuu ku yimaadaa sifo sharciga waa faqsan sida doorasho ama magacaabis iwm.
8.  Waa inuu ahaadaa ruux kufiican balanta iyo axdiga.
9.  Waa inuu yahay ruux gudan kara howsha loo idmaday.
10. waa inuu ahadaa ruux kamadax banana masuq maasuq iyo nin jecleysi.
FG: Shuruudaha aan kor ku soo  sheegnay Ruuxi aan buuxin xil looma dhiibi karo.

Waxyaabaha lagu weyn karo xilka
Waxyaabaha lagu weyn karo xilka waxaa kamid ah waxyaabahaan soo socdo:
1. xil gudasho la,aan.
2. In uu waayo shardi ka mid ah shuruudaha xil qabashada.
3. Fara gashiga arrimo siyaasadeed.
4. Maasuq maasuq iyo wax is daba marin.
5. Is casilid
6. Geeri/ Dhimasho.
SHURUUDAHA XIL KA TAGISTA EE ururka
1.      Masuulkasta  oo doonaya in uu iska casilo xilka uu u hayo ururka  waa inuu soo gudbiyaa cdsigiisa 15 maalmood kahor.
2.      waa in  uu soo wareejiyaa wixii uu u hayo  uruka qalab, documents‚ hanti iyo IWM.
3.      Hadii masuul is casilo lagana ogalaado is casilaadiisa waa in lagu buuxiyaa booskaas 1bil gudaheed.
4.      Hadii uu is casilo masuul waxaa howsha  sii wadi doono ku xigeeniisa  intaa laga soo magacaabaayo badalkiisa.
5.      Hadii uu u is casilayo gudoomiyaha ama ku xigeenkiisa waa iney soo gud biyaan ducumentigooda1 bil kahor.

XEERARKA MAALIYADDA EE DANSIDE
qof  kasta waa inuu bixiyaa  qadarka lacaged ee loo jaangooyey
2. Mid kasta waa inuu ku bixiyaa lacagta xiliga loogu talagalay
3.  Dhaqaalaha uruka  waa in loo bixiyaa (loo isticmaalaa) si hufan oo cad
4.  Dhaqaalaha uruka waxaa masuul ka ah gudiga maaliyada
5.  Gudoomiyaha maaliyada  waa inuu diyaariyaa  warbixin  2-dii bilood  mar uuna usoo Bandhigaa URURKA Danside xisaab cad
6. Gudoomiyaha maaliyada waa inuu  usoo gudbiyaa xeer ilaalinta uruka danside cidii 2 bilood aan ku bixinin lacagti loo qadaray  cudurdaar la,aan
7. Mashruuc kasta waxaa fulinayo gudiga mashaariicda.
8 .Wixii lacag oo ka soo hara mashruuc lafuliyay  waxaa dib loogu celinayaa  accoun ka uruka
9.  Howl kasta oo dhaqaala u baahan waa in loo sameeyaa qorshe lawada ogyahay
10.Qarash kasto oo labixinaayo waa inuu kubaxo saxiixa Gudoomiyaha maaliyada,  Gudoomiyaha uruka  iyo  kuxigeenkiisa
11.  Gudoomiyaha maaliyada waa loo yeeri karaa si loola xisaabtamo hadii loo baahdo.
12: dhamaan dhaqaalaha uruka waa in loo isticmaalaa hormarinta uruka

FG: dhamaan shuruudahaan aan kor kusoo xusnay ee xerka maaliyada xubintii aan u hogaan samin waxaa lagu qaadi dona 2 qodob mid kamid ah
1:  Kala noqoshada aqoonsiga.
2: ganaax lacaged oo gaaraya 20 dollar.
XEERKA DABA GALKA IYO LAXISAABTANKA EE URURKA
1. Xubin kasta waa in laganaaxi karo lagana qaadi karo xilka hadii lagu helo xil gudasho la’aan masuqmaasuq, iwm.
2.  Xubin kasto oo ey ku cadaato qas iyo amar diido waxuu lumin doonaa xubin nimadiisa.
3. Masuulkii looga shakiyo masuqmaasuq iyo wax is daba marin waxaa baari doono golaha sare.
4.  Wixii eedeymo ah una baahan cadeyn  waxaa loo gud binayaa golaha sare.
5.  Masuulkii gudan waaya shaqadiisa wuxuu marayaa saddexdan oo kala ah.
A) in la waaniyo, b) in laganaxo, c) in xilka laga qaadao.
6.Dhammaan xubnaha uruka waa iney kulmaan bishiiba mar si loo kalaqaato war bixinnda.
8. Waa in laqoraa kasoo qeeb galayaasha shirka iyo wixii loogaaga hadlay.
9.  xubintii shaqo u qabaneyso uruka waa iney ogeysiisaa madaxda ey quseyso shaqada ey qabaneyso.
10.  Xubnaha iyo masuuliyiinta uruka waa iney xifdiyaan sirta iyo hantida uruka
11. Hanti ay leeyahay uruka ruuxna kuma sameyn karo qaadasho, iibin,bixin iyo iwm isaga oo aan soo ogeysiin golaha sare ee ururka loona ogolaan.
12. Waxaa mamnuuc ah in shirka lafadhiyo xiliga salaada.

XEERKA XARIIRKA HAY,ADAHA EE URURKA
1. Wixii xariir ah  gudaha iyo dibadaba waxaa masuul ka ah golaha sare ee uruka
2) Waa in si isku mid ah loola tacaamulaa  hay,adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah.
3) Waa in latex galiyo codsiyada hay,adaha hadii eyna jabineynin sharciyada uruka
4) Waa in laga baaraan dagaa hayadaha  Waxtarkooda kahor inta aan xariir lala sameyn.
5) hayadii dooneysa in ey wadashaqeyn kala dhaxayso uruka waa iney wa faqdaa sharciga uruka
XEERKA XARIIRKA MUQADASKA AH EE uruka
1) ururka  kuma biiri karto urur kale waxaasa dhexmari karo  is kaashi ama xariir wada shaqeyn.
2) Xarunta dhexe ee ururka waa magaalo madaxda gobalka Banaadir ee muqadisho.
3) Waxeyna laamo ku leedahay goballada iyo degmooyinka dalka.
4) Muhiimada wax qabadka ururka waa hormarinta bolshaada

6 comments: